TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo dalka Iiraan ayaa sheegaya in Garsoorka dalkaasi xukumay dil toogasho ah oo lagu fuliyay nin ku eedeysnaa inuu basaas u ahaa sirdoonka Isra’iil ee Muusaad.
Ninkaan waxay Dowlada Iira ku eedeysay inuu bixiyay macluumaad siro u ahaa dalka Iran iyo xogo amni oo halis ahaa islamarkaana uu mudo si qarsoon ula shaqeynayay.
Ciidamada Iran ayaa markii ay xogtiisa heleen soo qabtay waxaana ugu danbeyn lagu fuliyay dil toogasho ah.
Maaha markii ugu horeysay oo Dowlada Iran toogato muwaadin dalkaasi u dhashay balse ku eedeysan inuu dalkisa qiyaanay,waxaana la sheegaa in Iran ka mid tahay dalalka ugu badan ee fuliyay dilalka nuucaasi ah,waxaana ugu badan dadka la toogto kuwa ku eedeysan inay sirdoonka Yuhuuda ee Muusaad u basaaseen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM