Sida lagu daabacay wargeyska Washington Post ee ka soo baxa Dalka Mareykanka ilaa 40 ruux oo shacab Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay si aan kutala gal ahayn duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dowlada Turkey kuwaasoo Alshabaab bartilmaameed sanayay tan iyo 2022-kii ilaa hada.
Laba duqeyn oo kala dhacay 9-kii September 2022-kii iyo bishii Janaayo 2023-kii kuwaasoo Turkidu ka fuliyeen deegaanada Quracley iyo Mubaarak ayaa la sheegaa inay yihiin kuwii ugu dhimashada badnaa waxaana ku kala dhimatay labadaasi goobood 7 meel iyo 8 meel ah.
Todobada Quracleey ku dhimatay waxay harsanayeen geed waxaana ku jirey wiil 8 jir ahaa halka sideeda Mubaarak ku dhimatay iyaguna gaadiid ley u badnaayeen.
Sidoo Bishii Ramadaan ee sanadkaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay duqeyn ku dileen duleedka Muqdisho 23 ruux oo waliba somanaa.
Natiijada ka dhalatay howlgalada diyaaradaha Turkiga tan iyo 2022-kii ayaa sababtay in dib loo eego kaalinta Milateri ee Turkigu ku leeyahay Afrika gaar ahaan geeska Afrika.
Si Kastaba Mareykanka ayaa hore loogu dhaliili jirey duqeymihiisa inuu shacab soomaaliyeed ku laayo mar kasta walow hada ay soo rogeen qorshe ay duqeyn kasta ay geystaan ay soo bandhigaan inta dhimasho ka dhalatay iyo cida ay yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM