DJABUTI (DAYNIILE.COM)-Sarkaal Booliiska Dalka Jabuuti u hadlay oo lagu magacab Col. Maxamuud Yuusuf oo la hadlayay BBC-da ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay dalalka ay u dhasheen ajaanibta ay ku amreen inay dalkooda ka baxaan.
Sarkaalkaan wuxuu sheegay amarka ka soo baxay wasaarada arimaha gudahaJabuuti uu dhigayo in dhamaan ajanabi kasta oo aan sharci heysan ay tahay inuu dalkooda uga baxo iskamarfkaana ku laabto dalkiisa.
Waxaa jira dad amarka qaatay oo iskood ugu laabtay dalalkoodii sida Jabuutiyiinku sheegeen balse inta hartay ay xoog ku bixinayaan.
Masuulka Booliiska u hadlay wuxuu si gaar ah usoo hadal qaaday ajaanibta Soomaalida,Yemen iyo Itoobiya kuwaasoo laba qeyb u sii kala saaray , Soomaalida iyo Itoobiyaanka wuxuu sheegay inay xaduuda labadaasi dal ay la leeyihiin ay geyn doonaan si ay dalkooda u aadaan halka Yemena lagu celin doono xeryo qaxooti oo ay ku leeyihiin Jabuuti.
Dowlada Jabuuti waxay sheegtay in hada uu socdo Howlgaka Tarxiilka madaama 3-dii bishaan ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay ajaanibtu inay dalka kaga baxaan.
Booliiska Jabuuti ayaa guryaha iyo meel kasta ugu galaya dadka ajaanibta ah kuwaasoo ay markiiba soo eryayaan.
Soomaalida iyo Itoobiyaanka ayaa ugu badan ajaanibta buux dhaafiyay Jabuuti iyagoon wax sharci ah heysan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM