HomeWarkiiDowlada Mareykanka oo mar kale diiday inay dhaqaale ku bixineyn howlgalka cusub...

Dowlada Mareykanka oo mar kale diiday inay dhaqaale ku bixineyn howlgalka cusub ee AUSSOM.

WASHIMGTON (DAYNIILE.COM)-Magaalada Washington ee Xarunta Dalka Mareykanka waxaa dhawaan ku kulmay wakiilo ka socday Midowga Afrika (AU) iyo Mareykanka taasoo looga hadlayay dhaqaale u raadinta howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM.

Warar ku dhaw dhaw shirkaasi oo warbaahinda dunida qaarkood shaaiyeen ayaa lagu sheegay in Dowlada Mareykanku mar kale diiday inay dhaqaale ku bixiso  howlgalka cusub ee AUSSOM.

Wakiilada Afrika waxay si gaar ah Mareykanka uga codsadeen inuu bixiyo 96 milyan oo deyn ah taasoo loo isticmaalay howlgalka hada waqtigiisu dhamaaday ee ATMIS si ay u sahlanaato in howlgalka cusub dhaqaale loogu helo.

Mareykanka ayaa hore sidan oo kale waxay shirkii Uganda kaga cadeeyeen inaysan wax dhaqaale ku bixineyn howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Si kastaba warar ku dhaw dhaw Mareykanka sababta uu u diiday dhaqaale bixiinta inay tahay inuusan ku qanacsaneyn qaab dhismeedka howlgalka,iyagoona shuruur ku xirey inay dhaqaale ku bixiyaan taasoo ah in wax badan laga badalo nidaamka howlgalinta iyo midka maaliyadeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -