War ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa looga digay muwaadiniinta dalkaasi inay u safraan dalka Somalia.
Dowlada Mareykanku waxay digniin heerkeedu sareeyo ka soo saartay dhanka socdaalka taasoo ay ku tilmaameyso xiligaan inaan loo safri karin Somalia inkastoo aysan sii kala qaadin balse ujeedkeeda ayaa ah Muqdisho madaama meelaha ay tagaan ay tahay casimada Dalka.
Warbixin Wasaarada arimaha Dibada Mareykanku soo dhigtay bogeeda baraha bulshada ayay ku sharaxaeen dhowr sababood oo aan xiligaan Somalia loo safri karin sida cabsida ay ka qabaan inay dhacaan falal argagixiso, kacdoon shacab iyo afduub.
Muwaadiniinta Mareykanka waxay Dowladu u sheegtay in hadii ay dhacdooyinkaasi mid ka mida ay Somalia ku qabsadaan aysan u heli karin gurmadka ay u baahan yihiin sidaas daraadeed looga digayo inay Somalia u safraan.
Dhanka kale dowladda Mareykanka ayaa si gaar ah shaqaalaheeda ku sugan gudaha Somalia waxay u diiday in aysan u safrin meel ka baxsan garoonka diyaaradaha Muqdisho,warka digniinta ah ayaa ku soo aadaya xili safaarada Mareykanka ee Muqdisho ku taal ay si caadi ah shaqadeeda u wadato
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM