HomeWarkiiDowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay guushii macawisleyda Xawaadle

Dowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay guushii macawisleyda Xawaadle

War saxaafadeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay Bogaadineysa Guusha Geesiyaasha Deegaanka iyo Ciidanka Qaranka.

Muqdisho, 02 May 2025: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si weyn u bogaadineysaa geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo gacan ka helaya Ciidamada Qalabka Sida oo si geesinimo leh ugu jabiyay Khawaarijta weerarro ay galinkii dambe ee maanta kusoo qaadeen deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida oo la socday isku dayga nafla-caari ah ee Khawaarijta ayaa si weyn uga hortagay duullaanka cadowga, waxaana Alle mahaddiis ah in ay si buuxda u jabiyeen maleeshiyaadkii soo duulay.

Geesiyaasha halkaas ka dagaalamay waxay soo ururiyeen maydadka 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen afar maleeshiyaad ah, iyadoo saddex ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in tiro kale oo maydad iyo dhaawac ah ay horay usii qaateen Khawaarijtu.

Guushan weyn waa tii labaad oo muddo kooban gudahood lagu jabiyo Khawaarijta, iyadoo la xusuusto jabkii xoogganaa ee Khawaarijta lagula beegsaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, halkaas oo ay guulo la taaban karo ka gaareen Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka.

Intii uu socday howlgalka baacsiga ah, geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida waxay ka furteen Khawaarijta hub aad u badan.

Geesiyaasha reer Hiiraan waxay tusaale u yihiin halganka iyo geesinimada shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya Khawaarijta duulaanka ku ah qaranimadeena iyo diinteenna.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -