HomeWarkiiDowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay xuska maalinta Xorriyadda Saxaafadda.

Dowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay xuska maalinta Xorriyadda Saxaafadda.

War-saxaafadeed
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda.
Muqdisho, 3-da May 2025:Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ahaan, munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda oo ku beegan maanta, 3-da May 2025.
Sanadkan Hay’adda Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ( UNESCO) waxa ay halkudhig uga dhigtay xuska munnaasabaddani Saameynta Casriyaynta Warbaahinta iyo Adeegsiga Garaadka Macmalka ah ee Warbaahinta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee suxufiyiintu ku leeyihiin horumarinta bulshada, ilaalinta dimuqraadiyadda, iyo xaqiijinta daahfurnaanta.
“Munaasabadda qiimaha leh ee Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda awgeed, waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daahfurnaanta, iyo dimuqraadiyadda. Waxaan qirayaa in doorkiina wacyi-dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.
“Halkudhigga sanadkan ee UNESCO waxa uu ka tarjumayaa horumarka casriyaynta warbaahinta iyo adeegsiga saameynta Macmalka ah, waxaa muhiim ah in iyada oo laga faa’iidaysanayo aaladaha casriga ah haddane, in ay warbaahintu kor u qaaddo hubinta wararka, ka feejignaanta marin habaabinta iyo been abuurka” ayuu ku daray Wasiir Daa’uud Aweys.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku booriyay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay door weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ka hortaga fikradaha xagjirka, xoojinta nabad dhiska, fahamsiinta dadweynaha ee saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada, taas oo si weyn u saameysay dunida oo dhan, Soomaaliya-na ay ka mid tahay dhibbanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka.
“Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiirrigelinta warbaahinta. Ka dowlad ahaan, waxaa naga go’an in aan kor u qaadno xoriyadda saxaafadda oo mas’uuliyad ku dheehan tahay, xoojinta tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta. Waxaan aaminsanahay in wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale u xaqiijinaysaa suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta, iyo xaqa ay u leeyihiin helitaanka xogta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo warbaahinta, iyadoo la dhiirrigelinayo dhaqangelinta mabaadi’da iyo anshaxa suuban ee saxaafadda.
-DHAMMAAD-May be an illustration of map and textMay be an illustration of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -