HomeWarkiiDowlada Somalia oo Dalka Kenya ka daah-furtay Mashruuc ay ku kacayso lacag...

Dowlada Somalia oo Dalka Kenya ka daah-furtay Mashruuc ay ku kacayso lacag ka badan afartan milyan oo doolar+SAWIRRO

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo magaalada Naivasha ee Dalka Kenya ka daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag ka badan afartan milyan oo doolar.
Mashruuca (WISER Action First – Eastern Africa) oo wadamada bariga Afrika looga taageeri doono sidii sare loogu qaadi lahaa awooda u adkeeysiga aafooyinka ee bulshada kuwa ugu nugul ee gobolka bariga Africa oo ay Soomaaliyana qeeyb ka tahay, iyadoo ay mashruucan fulin doonaan Hay’addaha Maareeynta Musiibooyinka iyo kuwa Saadaasha Cimilada u qaabilsan wadamada bariga Afrika. Mashruucan wuxuu socon doonaa muddo afar sano ah, waxaana maalgelinaya dowladda UK hay’addeeda u qaabilsan Horumarinta ee FCDO.
Guddoomiyaha oo Munaasabadda Daah-furka mashruuca hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu mashruucu ku soo aaday wakhti aadloogu baahnaa, wuxuuna iftiimiyay faa’iidada mashruucan u leeyahay dhameeystirka firaaqa ka jira hanaanka bixiya digniinaha halis-wadareedka dalalka gobolka gaar ahaan dalkeenna Soomaaliya.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gabogabadii munaasabadda wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mashruucan laga faa’iideeysto, wuxuuna kula dardaarmay dhammaan bah-wadaagta mashruuca fulinaysa in ay si hufan oo daahfurnaan leh u gutaan waajibaadkooda si bulshadu si siman ugu faa’iidaysato.May be an image of 2 people and text that says "WISER Weather and andClima Climate Information services お East Africa ActionFirst ANUKInternational UK International"May be an image of 10 people, people studying and textMay be an image of 6 people, dais and text that says "( UN OFFIC DIBASTE UNDAR REDU REPUBLIC OF DJIBOUTI ሚ"May be an image of 7 people and tableMay be an image of 11 people, people studying and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 6 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -