HomeWarkiiMareykanka oo ka hadlay tirada Daacish ay ka dileen sanadkaan 2025

Mareykanka oo ka hadlay tirada Daacish ay ka dileen sanadkaan 2025

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa looga hadlay tirada dagaalyahanada Daacish ay ka dileen tan iyo markii xafiiska xilka madaxweynaha la wareegay Donald Trump oo ahayd horaantii bishii Janaayo ee sanadkaan 2025.

Aqalka Cad wuxuu sheegay in duqeymaha diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen 100 dagaalame oo ka tirsan Daacish tan iyo markii Trump xilka qabtay.

Sidoo kale warka Mareykanka ka soo baxay waxaa lagu xusay inay si aan soo laabasho lahayn uga saartay Daacish goobaha dagaalka ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa faafiyay dhawaan gar ahaan baraha bulshada Muuqaal muujinaya dhaqdhaqaaqa dad soconaya oo kor laga calaamdeeyay, ayna ku dhacayso duqayn, kuwaasoo loo maleynayo inay Daacish yihiin isda iyaguba ka wadaan.

Warka aqaka cad waxaa sidoo kale lagu shaaciyay in guud ahaan tirada daacish ay dileen ay ka badan karto boqol ruux.

Warkaan uu shaaciyay aqalka cad wuxuu ku soo aadayaa xili dhawaan maamulka Puntland xaqiijiyay in diyaaradaha Mareykanku buuraha gobolka Bari ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMCalmiskaad

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -