HomeWarkiiDowlada Somalia oo ka qeybgashay Shirka Banadlaha Horumarinta Islaamka +SAWIRRO

Dowlada Somalia oo ka qeybgashay Shirka Banadlaha Horumarinta Islaamka +SAWIRRO

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo dhawaan gaaray Dalka Algeria ayaa ka qeyb galay caawa furitaanka Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo Sanadkan lagu qabanayo Magaalada Algiers ee caasimadda Dalka Algeria.
Shirkaan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay Ra’isul Wasaaraha Dalka Algeria Mudane Nadir Larbaoui, iyada oo shirka ay ka soo qeyb galeen dhammaan Wasiirada iyo Safiirada malatalayay Dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee xubnaha ka ah Bangiga horumarinta Islaamka.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan shirarka loo dhanyahay ee Bangiga H. Islaamka iyo kulamada gaarka ah ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka oo Dowladda Soomaaliya ay galisay dadaal dheer sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo dhinacyo badan ah ah.
Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waxa uu ka mid yahay saaxiibada sida gaarka ah u taageera Dowladda Soomaaliya, sidoo kale gabagabada shirarka Bangiga ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo natoojo muhiim ah ah din-u-habeynta dhaqaalaha iyo maalgalinta mashaariicda horumarineed ee Dalka.May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 2 people, people studying, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -