Dakhli kasta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hesho, ha ahaado canshuur, khidmad, ganaax, deeq ama macaash kale, waa hanti ummadeed oo mudan in si hufan, sharciyaysan, isla-xisaabtan leh, laguna kalsoonaan karo loo maamulo. Sidaas darteed, waxaa sharciyan lagama maarmaan ah in dhammaan dakhliga dowladda lagu shubo lana mariyo hal dariiq oo rasmi ah: Sanduuqa Mideysan ee Dowladda. Nidaamkan waxa uu sal u yahay maamul daahfuran oo xambaarsan kalsooni iyo hab lagu ilaalinayo hantida qaranka.
Qodobka 4aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee 2019 wuxuu dhisayaa Sanduuqa Mideysan, wuxuuna farayaa in dhammaan dakhliga dowladda lagu xareeyo oo kaliya Sanduuqa Mideysan ee Dowladda. Dakhligaasi waxa uu ka kooban yahay canshuuraha dakhliga, macaashka, badeecadaha, adeegyada iyo ganacsiga caalamiga ah, khidmadaha adeegyada kala duwan iyo kuwa garoomada diyaaradaha, ganaaxyada iyo ciqaabaha sharciyeysan, dakhliga ka yimaada iibka iyo kirada hantida dowladda, deeqaha gudaha iyo dibedda, iyo dhammaan ilaha kale ee dhaqaalaha ee lagu qeexo Miisaaniyadda Qaranka. Habkan mideysan wuxuu suurtagelinayaa in si habaysan loo maareeyo dhaqaalaha dowladda, laguna gaaro isla-xisaabtan dhab ah iyo kormeer waxtar leh.
Dhinaca kale, Xeer Ra’iisal Wasaare Lr. 163 2024, gaar ahaan Qodobka 3aad farqadihiisa 1aad iyo 2aad, wuxuu si cad u qeexayaa in Wasaaradda Maaliyaddu tahay hay’adda keliya ee sharci ahaan loo xilsaaray ururinta, maareynta, iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga dowladda. Sidaas awgeed, waxaa si toos ah sharciga uga hor imanaya in hay’adaha kale ee dowladda, rayid ama ciidanba, ay si iskood ah u ururiyaan ama u maareeyaan lacagaha dowladda. Ma jiro wax sharci ah oo u oggolaanaya in dakhli dowladeed lagu shubo akoon gaar loo leeyahay ama akoon kale oo aan ahayn Sanduuqa Mideysan ee Dowladda.
Jebinta nidaamkan sharciyeed waxay keeni kartaa dhibaatooyin xagga kalsoonida bulshada ah, khasaare maaliyadeed, suurtagalnimada musuq-maasuq, iyo caqabad ku timaadda diyaarinta iyo fulinta miisaaniyadda qaranka. Waxaa kale oo ay wiiqaysaa hannaanka isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, taas oo sababi karta in aan si dhab ah loo ogaan karin halka ay ka timid lacagta dowladda, halka ay martay, iyo haddii si waafaqsan sharciga loogu adeegay danta shacabka.
Adeegsiga Sanduuqa Mideysan waxa uu dhisayaa kalsooni, daahfurnaan, iyo kartida maamulka maaliyadeed ee dowladda. Waxaa sahlan in la ogaado lacagta la helay iyo sida loo isticmaalay, waxayna suurtagelineysaa in adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo amniga loo gaarsiiyo shacabka si hufan. Nidaamkan waxa uu xoojinayaa maamul wanaagga, wuxuuna meesha ka saarayaa fursadaha keeni kara in lagu takrifalo hantida dadweynaha.
Ugu dambayn, dakhligu waa laf-dhabarta dowladda. Si hanti ummadeed loogu maamulo si cadaalad iyo karti leh, waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan hay’adaha dowladda ay ilaaliyaan nidaamka sharciyeed ee lagu xakameynayo dakhliga qaranka, ayna ka fogaadaan fal kasta oo khilaafsan ujeedka Sanduuqa Mideysan. Qof kasta oo xil haya, hay’ad kasta oo dawladeed, iyo muwaadin kastaba waxaa laga rabaa in ay gacan ka geystaan ilaalinta iyo dhowrista dhaqaalaha dalka.