QARTUM (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Suudaan ayaa si weyn loogu eedeeyay maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland inuu taagero dad-ban siiyo kooxaha mucaaradka ku ah Dowlada Sudan ee lagu magacaabo RSF.
Wasaarada Arimaha dibada Sudan ayaa dacwo rasmi ah soo gaarsiisay Dowlada Somalia iyagoo ka dacwoonaya maamulka Soomaaliyed ee Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Dani .
Dowlada Sudan waxay sheegtay in taageero dad-ban iyo mid toos ahba Maamulka Puntland inuu siiyo Mucaaradkooda RSF.
Garoonka diyaaradaha Boosaaso waxay Sudaantu ku sheegeen meel xligaan loogu adeego kooxda RSF islamarkaana ay u isticmaalaan safaro iyosahay ciidan
“ilo xog-ogaal ah oo gudaha iyo dibada isugu jira ayaa muujinaya in maamulka Puntland uu siinayo mucaaaradka taageero istaraatiiji iyo mid saadka ahba isugu jira”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowlada Sudan
Maamulka Puntland taageeerada uu siinayo RSF waxay sheegtay Dowlada Sudan inay ka timaado dalal uu ka mid yahay Imaaraadka Carabta oo hore Suudaan u sheegtay in Imaaraadku yahay cida kaliya ee fangareysa kooxda RSF ee mucaaradka ku ah Dowlada Sudan.
Dhanka kale Dowlada Sudan waxay soo hadal qaaday hadal dhawaan ka soo baxay wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland kaasoo beniyay inay garab siiyaan mucaaradka Sudan,wuxuuna ku tilmaamay beenintaasi mid marin habaabin ah.
Si kastaba lama oga talaabada ay qaadi doonto Dowlada Somalia iyo sida ay uga falcelin doonto dacwadaan la soo gaarsiiyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM