Dowladaha Somalia iyo Yemen ayaa la sheegayaa inay markii ugu horeysay ka wada hadleen xiriirka la sheegay inuu dhexmaray kooxaha Alshabaab Somalia iyo Xuutiyiinta Somalia kuwaasoo is dhaafsaday aqoon iyo hub intaba.
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi iyo dhigiisa Dalka yemen ayaa qadka teleefoonak waxay kaga hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyadoo ugu horeyn Wasiirka Gaashadnhiga yemen bogaadiyay soona dhaweeyay in Fiqi loo magacaabo xilka wasaarada difaaca.
Labada Wasiir waxay isla garteen inay iskaashi dhanka amniga wada yeeshaan si ay wada-jir uga hortagaan dhaq dhaqaaqyada ay bilaabeen kooxda xuutiyiinta iyo kooxda Alshabaab.
Xuutiyiinra ayaa ku kacsan Dowlada Yemen in muda ah halka Alshabaabna ku kacsan tahay Dowlada Somalia iyadoo labada kooxba ay ka shaqeeyaan sidii ay Dowladahooda buqnaha u jari lahaayeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM