HomeWarkiiDuqeymo xaga cirka ah oo lala eegtay Alshabaab-ka heysta Deg.Aadan Yabaal

Duqeymo xaga cirka ah oo lala eegtay Alshabaab-ka heysta Deg.Aadan Yabaal

AADAN YABAAL (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Dowlada Mareykanka ay saaka duqey xaga cirka ah ka geysteen gudaha iyo duleedka Degmada Aadan Yabaal halkaasoo alshabaabku dhawaan ka qabsadeen kuwa Dowlada Somalia.

Duqeymaha oo ah bartilmaameed ayaa waxaa lala eegtay shir saraakiisha Alshabaab  uga socday duleedka Aadan Yabaal,sidoo kale waxaa duqeymaha lala eegtay ciidamada dhufeystada ku leh Degmadaani.

Duqeymahaan ma jiraan warar ka soo baxay dhanka Dowlada Somalia iyo mareykanka kaasoo lagu faah-faahinayo khasaaraha gaaray kooxda Alshabaab.

Howlgalkaan lagu beegsanayo Alshabaab heysta Degmada Aadan Yabaal ayaa ku soo aadeysa xili meelo aad ugu dhaw ay dagaalo ka wadaan macawisleyda reer Hiiraan kuwaasoo doonaya inay Alshabaab ka saaraan Aadan Yabaal.

Sidoo kale duqeymahaani waxay ku soo aadayaan xili ciidamada Dowlada iyo macawisleyda Gobolka Shabeelaha dhexe oo iskaashanaya iyaguna diyaarinayaan weeraro ay alshabaab ku qaadaan si ay uga saaraan deegaanada la isku yiraahdo Afarta Tuulo sida Ceel-Baraf.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -