HomeWarkiiDuqeyn xaga cirka ah oo lagu dilay ciidamo badan oo Booliis ah

Duqeyn xaga cirka ah oo lagu dilay ciidamo badan oo Booliis ah

QAZA (DAYNIILE.COM)-Sagaal askari oo booliis ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay meel u dhow isgoyska Al-Saraya ee magaalada Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza ayaa xaqiijisay warkan, iyadoo sheegtay, in diyaaradaha gumaysiga Israa’iil bartilmaansadeen tiro askar booliis ah oo ku sugnaa Isgoyska Saraya ee bartamaha magaalada Gaza galabta, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda ah inay ka hortagaan kooxaha tuugada ah.

Sidoo kale weerarkaani duqeynta waxaa ku dhiintay dad wadada marayay taasoo qeyb ka ah xasuuq cusub oo gumaysigu geystay.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in tuugada iyo ciidamada Israa’iil isla shaqeeyaan si ay abuuraan fowdo una faafiyaan cabsida muwaadiniinta Falastiin.

“In kasta duqeyntaani khasaare badan u geysteen xubnaha amniga iyo booliiska, hadana kama tagi doono waajibaadkeenna, waxaana sii wadi doonnaa ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta,” ayay tiri wasaaraddu.

Taariq Abou Azzam oo Aljazeera ka tirsan ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday saraakiisha ay ka mid yihiin kuwa badan oo maanta ka dhacay goobo ay dadku ku badan yihiin.

“Lix xubnood oo ka tirsan sharci fulinta ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn  ka dib markii ay isku dayeen inay xakameeyaan dhacdo bililiqo ah oo ay hogaaminayaan koox Falastiiniyiin ah ” ayuu yidhi Azzam, isagoo ka soo warramaya Deir al-Balah.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -