MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Magaalada Muqdisho ayaa goor dhawayd gaaray gurigii dhismuhu ka socday ee saaka shaqaaluhu ku dhinteen kadib markii ay la soo jabtay jaranjarta ay shaqaaluhu shubka u adeegsadaan.
Ciidamada oo amar ka heystay maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo xirey Engineerkii dhisayay gurigaasi markii lagu eedeeyay in iyadoo gurigaasi saaka masiiba ka dhacday hadana shaqadii dhismaha halkeedii laga sii watay.
Sidoo kale waxaa gebi ahaan la joojiyey shaqadii socotey si loola xisaabtamo engineerka madaama mashaqada halkaasi ka dhacday ay gaartay geeri iyo dhaawac intaba.
Maaha markii ugu horeysay oo dhibaatooyin ay ka dhacaan dhismaha sida xowliga ah uga socda Degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan suuqa bakaaraha iyo nawaaxigiisa,iyadoo la xasuusto dhawaan in dabaq bakaare laga dhisaayay uu gabi ahaanba soo dumay markii si qalad ah loogu daray biyaanooyin aan markii hore loogu talo gelin.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM