HomeWarkiiFaah-faahinta hadaladii Wasiir Fiqi uu ka jeediyay munaasabadii uu maanta kula wareegay...

Faah-faahinta hadaladii Wasiir Fiqi uu ka jeediyay munaasabadii uu maanta kula wareegay xilka Wasaarada Difaaca+SAWIRRO

May be an image of 3 people, dais and textMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan loo magacaabay Wasaarada gaashaandhiga ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii xilkaasi hore u hayay Jibriil Cabdirashiid Xaaji kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradaasi.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Golaja Wasiirada sida Ra’iisulwasaare xigeenka 1-aad ee dalka Saalax jaamac  oo isagu labadaan wasiir maanta xilalka u kala wareejiyay.

“Waxaan si rasmi ah ula wareegay maantay xilka Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga – JFS oo uu igu wareejiyey walaalkay wasiirkii hore ahna Raysulwasaare ku xigeenka 2aad Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo bartiisa facebook ku soo qorey qoraal uu kaga hadlayay xilka uu la wareegay maanta.
Wasiir Fiqi wuxuu tilmaamay inuu u bilowday howl-weyn,wuxuu carabka ku adkeeyay in wasaarada difaacu tahay mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay.
“wasaaradda Difaacu waa halka laga ilaaliyo madaxbanaanida, gobonimada, midnimada dalka iyo dawladnimadiisa”ayuu yiri Wasiir Fiqi
Sidoo kale Mar uu ka hadlayay shaqada uu ka qaban doono wasaarada gaashaandhiga ayuu xusay inuu xoogga saari doono Dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab
“waxaan xooga saari doonaa dirirta iyo jabinta Khawaarijta qooqan, xoojinta tayada iyo dhismaha ciidankeena iyo hirgelinta siyaasaadka kala duwan ee la xiriira Difaaca” ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi
“Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwa dalkooda jecel, kuwa neceb Khawaarijta iyo wadaniyiinta waxaan ka codsanayaa in aan ka wada shaqayno oo garab weyn ay ka gaystaan sidii khawaarijta Loo baabi’in lahaa isla markaana ciidamadeena jihaadka ku jira loo garab istaagi lahaa, si ay u noqdaan kuwo ku filnaada la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo difaaca dalka” ayuu mar kale yiri Wasiirka cusub ee difaaca
Ugu dambeyn  Wasiir Fiqi wuxuu u mahadceliyay saaxiibada Soomaaliya ee Dowlada la garab taagan taakulada gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 6 peopleMay be an image of 10 people, dais and weddingMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -