Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin ayaa goor dhaw ka soo hadlay magacaabistioi goor dhaweyd Mahad Salaad Golaha Wasiiradu u magacaabeen inuu noqdo Agaasimaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.
Fahad Yaasiin oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa u hambalyeeyey Mahad Salaad sidoo kalana amaan kala dul dhacay Taliyihii xilka laga qaaday Sambaloolshe.
Qoraalka Fahad Yaasiin ayaa sidan u qornaa”-
𝐒𝐀𝐆𝐎𝐎𝐓𝐈𝐍 𝐈𝐘𝐎 𝐒𝐎𝐎𝐃𝐇𝐀𝐖𝐄𝐘𝐍
Taliye Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, mudadii uu xilka joogay dhawr jeer ayaan wada xiriirnay, laba jeerna waan kulannay.
Waxaan ku amaanayaa xurmada iyo qaddarintii naga dhaxaysay.
Taliye Mahad Salaad oo mar labaad loo magacaabay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka waxaan leeyahay Hambalyo oo kusoo dhawoow mar kale NISA.