HomeWarkiiFahad Yaasiin oo ka hadlay dalka carbeed ee doonaya inuu Muqdisho qalalaasaha...

Fahad Yaasiin oo ka hadlay dalka carbeed ee doonaya inuu Muqdisho qalalaasaha geliyo

Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabas sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu kaga hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay lagu hadal hayay inay jirto Dowlad Carbeed oo mucaaradka Dowlada soo maalgelineysa si ay qalalaase siyaasadeed iyo dagaal uga kiciyaan Magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin wuxuu ugu horeyn daaha ka qaaday in dalka carbeed ee la sheegayo uu yahay Imaraadka Carabta wuxuuna sheegay inay mucaaradka ama musharixiinta xilka Madaxweynaha la soo xiriireen iyagoo ka dalbaday inay dagaalo kala hortagaan Dowlada Somalia  si amniga Muqdisho qal qal loo geliyo.

Fahad Yaasiin wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in qaar ka mida musharixiinta aqbaleen dalabka Imaadaka Carabta ee ah dalka amnigiisa lagu bur-urinayo.

“waxaa nasiib daro ah  in kuwo ka mida musharixiintii loo heystay ineysan danaha qaranka gor gortan ka galaynin ay ku biireen kuwa sida qarsoodiga ah ula kulmay ee aqbalay inay wada shaqeeyaan Imaaraadka”ayuu yiri Fahad Yaasiin

Fahad Yaasiin mar uu ka hadlayay hab dhaqanka kuwa diyaarka u ah la shaqeynta Imaaraadka wuxuu  ku tilmaamay nacasnimo.

“Mucaaradnimo kiro ah waa nacasnimo nacfi u leh shisheeyaha”ayuu yiri Fahad

Dhanka kale wuxuu sheegay in Dowlada la mucaaradi karo lana dhaliili karo  balse ay qalad tahay in shisheeyaha talo laga qaado.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maamulkiisa waa la mucaaradi karaa, waana la dhaliili karaa, waana qayb kamid ah dowlad dhiska iyo horumarka dalka, Mucaaradku waa in taladadooda ay noqotaa talo maxalli ah, ee aysan noqonin talo shisheeye gadaal ka riixayo ama u adeegaya ajandeyaal kharribaad ku ah danaha guud ee qaranka”ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -