Fahad Yaasiin oo ah Agaasimihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa war qoraala uu soo saaray wuxuu ku weeraray Madaxweynaha Somalia isagoo si kajan ahna u sameeyay cinwaan qurxoon.
Qoraalka Fahad ayaa sidan u qornaa:-
Dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa inuu ka guuray ma ogayd?
Doorasho heshiis lagu yahay inuu ka guuray ma ogayd?
Puntland iyo Jubland uma baahni inuu yiri ma ogayd?
Intaas meel sii dhigo. Madaxweyne Xasan oo Xisbi UPD la yiraahdo Guddoomiye ka ah ma ogayd?
Mashaqada taagan. Madaxweynihii wuu ka guuray Xisbigii UPD, karti uu xisbi cusub ku abuuro waa isugu toosi la’dahay. Wax walbo oo loo dhiibay siduu uga guurayay xitaa xisbigiisii waa ka guuray. Sow Caddaalad maahan ugu yaraan!
Nasiib darro, Madaxweynaha aan ka sugayno Soomaali midaysan, xisbigiisa ayuu midayn la’yahay.
Odaygu malaha waa DHAGAX KARIYE oo waa sheekadii uu sheegi jiray Cabqarigii caanka ahaa ee Cabdiqadir Aromo. Allow kuu naxariiso.
W/Q : Fahad Yaasiin Taliyihii hore ee NISA.
