Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Thabid Cabdi ayaa fariin hawada u soo mariyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Siyaasiga ayaa fariimihiisa guud ahaan ka dhigtay qaab sarbeeb wuxuuna u qorey sidan:-
Qofkaan dhagahiisu maqlin onkodka/gugaca, waxay dhaayihiisu arkaan dhibicda roobka.
“Madaxweyne xasanow ha sugin dhibicda roobka ee waaqaca u soo laabo, wali tallaa kula gudboon”ayuu yiri Thabid Abdi
Warka Masuulkaan ayaa ku soo aadaya xili maanta qoraal ka soo baxay Mareykanka ay ku qaadaceen natiijada ka soo baxday shirkii Madasa Qaranka.