Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa war qoraala oo uu mar dhaw soo dhigay baraha bulshada wuxuu si kulul uga hadlay siyaasada Madaxxweyne Xassan Sheekh gaar ahaan qorshihiisa doorashooyinka soo socda.
Sidoo kale wuxuu Farmaajo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan xukun maroogsi iyo bur burinta Madasha wada-tashiga Qaran.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka oo sidiisa u qoran:-
Burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qorshaha xukun-maroorsiga ah ee uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu Madasha u beddelo xisbi isaga u gaar ah waxay khatar ku tahay midnimada iyo xasilloonida dalka, waxayna dib u dhigaysaa dowlad-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo qabsashada doorasho hal dhinac ah, isaga oo adeegsanaya guddi doorasho oo aan haysan wax sharciyad ah, loona marin dhismihiisa habraacyadii dastuurka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu ahaa, taas oo caddeyn u ah in Madaxda dowladdu rabaan oo kaliya qabashada doorasho hal dhinac ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ugu yeeraynaa in muddada kooban ee ka hartay muddo xileedkiisa dastuuriga ah aanu dalka gelin xaalad halis ah oo dhaawacaysa dowladnimada iyo wadajirka, mudnaantana siiyo shaqada qaran ee laga sugayey ee ka hortagga khatarta argagixisada, raadinta dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha iyo qabashada gogosha uu ballanqaaday ee Wadatashiga Qaran.
Ugu danbayn, waxaan madaxda Dowlad Goboleedyada hadda qeybta ka ah shirarka Villa Soomaaliya, ee Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ugu baaqaynaa inay garowsadaan in waajib ka saaran yahay maslaxadda guud ee dalka iyo hannaan siyaasaddeed oo loo dhan yahay, ayna ka fiirsadaan ka mid noqoshada hanaan siyaasadeed iyo xisbiyo aan ku dhisneyn shuruuc la isla ogol yahay, taas oo dalka u horseedi karta kala tag siyaasadeed.
DHAMMAAD
