Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor dhaw oo caawa ah soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlaayo hab dhismeedka xisbiga Madaxweyne Xasan ee Cadaalada iyo Wada-jirka.
Farmaajo oo si kulul uga hadlay arinmahaan ayaa qoraalkiisu sidaan u qornaa:-
Waxaan ka digayaa dhibaatada ay leedahay in kooxaysi ku salaysan dan gaar ah laga doorbido wadajirka iyo danta guud, lana geliyo dalka xaalad halis ah oo dhaawacaysa midnimada iyo xasilloonida.
Maxadaxwene Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si ula kac ah ugu tuntay dastuurka JFS ee lagu doortay, gaar ahaan qodobada 87aad, qodobka 50aad, qodobka 92aad iyo qodobka 65aad oo si cad u qeexaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran ee go’aammada masiiriga ah, hannaanka federaaleynta dalka iyo waajibaadka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan xubin ka noqon karin xisbi iyo urur siyaasadeed.
Sidaas darteed, waxaan markale Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeynaa inuu ka dhabeeyo ballantii Shirka Wadatashiga Qaran ee laga sugayey, talada ballaariyo, kuna hoggaamiyo dalka midnimo iyo wadajir, una soo laabto sharciyadda iyo siyaasad loo dhan yahay oo dalka looga gudbin karo xaaladda uu ku jiro.
Si gaar ah, waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ah ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo abuuray darafyo siyaasadeed oo laga baaqsan karay.
Waxaa nasiib darro ah in hantidii Dawladda loo isticmaalo olole siyaasadeed iyo urur gaar loo leeyahay, iyada oo si sharci darro ah looga faa’iidaystay ciidankii baanbayda, warbaahintii qaranka iyo xataa shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda.
Madaxwweyne Xasan Sheekh waa in uu raadiyo dowlad-goboleedyada ka maqan shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka, si loo xaqiijiyo talo loo dhan yahay, doorashada heer dowlad gooboleedna uu u fasaxo Madaxda Dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah ee uu hortaagan yahay.
