=XIGASHO BBC SOMALI=
Haweeney si xun loogu tooriyeeyay koonfurta magaalada London ayaa magaceeda imika ay shaaciyeen booliisku. Inkastoo aaney boolisku sheegin gabadhaan asalkeeda iyo meesha ay ka soo jeeddo, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in Soomaali ay tahay oo lagu magacaabi jiray Maryama Jaamac.
Sida ay sheegeen booliiska sabtidii galinkii hore ayaa lagu soo wargaliyay warbixin ku saabsan in tooreey qof lagu weeraray.
Marxuumdda oo 26 jir ahayd ayaa meydkeeda laga helay goobta, balse xilligas lama aqoonsan laakiin qoyskeeda ayaa markii dambe lagu wargeliyay.
Laba nin oo da’doodu lagu kala sheegay 32 iyo 33 jir, kuwaas oo loo soo qabtey tuhunno dil ah ayaa lagu sii daayey dammaanad inta baaritaanno dheeri ah laga samaynayo, sida ay booliiska sheegeen.
Det Ch Insp Dave Whellams, oo hoggaaminaya baaritaanka, ayaa yiri: “Waan fahamsannahay in dhacdadan naxdinta leh ay walaac dhab ah ku abuurtay bulshada Croydon.
“Muhiimadayada hadda waa inaan sii wadno aruurinta caddeymaha aan u baahanahay si aan ula xisaabtano cid kasta oo mas’uul ka ahayd dhimashada Marjama, iyadoo aan taageeryno qoyskeeda xilligan adag.”
Mitch Carr waxa uu yiri: “Tani waa dhacdo naxdin leh oo ay gabadh yar ku wayday nolosheeda waxaana xanuunka la qeybsanayaa ehelkeeda.
Wuxuu sheegay in fahamka hadda jira uu yahay in Ms Osman “lagu weeraray aagga wadada Frith Road ka hor inta aanay ku soo dhicin wadada ay ku dhimatay”.
Baare Insp Whellams wuxuu ku dhiirigeliyay qof kasta oo macluumaad haya inuu yimaado islamarkana uu baarayasha u soo gudbiyo.
“Waan ka mahadcelineynaa in bulshada deegaanka ay ka dhex jirto wararka ku saabsan geerida Marjama ay noo soo gudbiyaan,” ayuu raaciyay.
Dilka dhalinyarada Somaalida London
Sanadihi u dambeeyay waxaa soo badanayay dilka dhalinyarada Soomaalida ah ee halkaasi ku nool.
Sanadadii 2017 iyo 2018 ayaa la sheegay in tira aad u badan oo dhalinyaro Soomaali ah lagu dilay London.
Tirada guud ee dhalinyarada labka ah ee lagu dilay London waa 1299 qoowmiyadaha oo dhan, Soomaalida waxa ay tiradaasi xilligaas ka noqdeen 10%.
Dilalka ayaa inta badan waxaa loo adeegsadaa tooreey, waxaana ay dadka lagu weeraray ay isugu jiraan kuwa dhaawacyo loo geystay iyo kuwa u dhintay.
Rabshadaha loo gaysto dhalinyarada Soomaalida waa mid adag oo wajiyo kala duwan leh, booliskana waxay sheegayaan inaysan jirin wax loo sababayn karo dhibaatooyinkan oo uusan jirin wax xal ah.
Bulshada Soomaalida ah ee dagan UK ayaa marar badan isugu yimid kulamo looga arrinsanayo sidii wax looga qaban lahaa dillaka dhalinyarada Soomaalida ah.
Waalidiin badan oo Soomaaliyeed oo London iyo magaalooyin kale ee qurbaha ku yaalla ku nool ayay uur ku taallo ku tahay dhibaatada mindiyaha iyo dilalka loo geysto dhalinyarada, arrinkaasi oo haatan dalka UK min baarlamaan ilaa guri caadi ah laga hadal hayo.
Boqollaal ka mid ah dhallinyarada ku nool Britain ayay waaliddiintoodu u soo diraan Bariga Afrika, iyagoo lagala soo cararayo dembiyada midiyaha ee UK ku badan, sida ay sheegeen qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ee dalkaas ku nool.
Rabshadaha ay ku lug leeyihiin dhalinyarada Soomaalida waa mid adag oo wajiyo kala duwan leh, booliskana waxay sheegayaan inaysan jirin wax loo sababayn karo dhibaatooyinkan oo uusan jirin wax xal ah.
XIGASHO BBC SOMALI