MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho waxaa dabaq iska dheer iska soo tuurtay Gabar Soomaaliyeed jaceyl iyo masayr dartiis taasoo dadka degmadu la yaabeen sida ay nafteeda riskiga u gelisay.
Gabadhaan oo magaceeda lagu sheegay Maryan Xuseyn Xasan ayaa la soo sheegayaa inay ka masayrtay ninkeeda oo askari ah kaasoo dhawaan la guursaday gabar .
Haweeneydaan dabaqa iska soo tuurtay oo sida la sheegay ninkeeda aad u jecleyd islamarkaana sugeysay tababar uu dalka Eretreia mudo shan sano ah ugu maqnaa ayaa qaadan waysay markii uu soo laabtay inuu markiiba xaas kale la guursaday.
Dhaawacyo jab u badan ayaa soo gaaray sida madaxa iyo labada lugood, xaalkeedana waa mid iska liita oo waxay ku jirtaa komo camal
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
