Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa caawa ka dhacday Xarunta Dowlada hoos taasoo uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa si rasmi ah caawa xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub Muane Xasan Muugaab oo dhawaan Madaxweyne Xasan xilka usoo magacaabay.
Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray munaasabad caawa ay xilalka ku kala wareegayeen Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo guddoomiyihii hore.
Ra’iisulwasaare xigeenka wuxuu kula dardaarmay guddoomiyaha cusub dardargalinta doorashada, amniga iyo horumarinta bilicda Caasimada.
Guddoomiyaha Cusub Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab xaflada ka sheegay sheegay in uu ka shaqeyn doono iftiiminta Caasimada, amniga iyo horumarinta wadooyinkeeda.
Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi oo isna hadalo ka jeediyay munaasabada sheegay in Amniga Caasimada laga ilaalin karo labada Shabeelle ,wuxuuna carabka ku adkeeyay in Guddoomiye Muungaabow xilligii loo baahnaa uu ku soo aaday.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM