HomeWarkiiGudoomiyaha Degmada Kaaraan oo raali-gelin bixiyay

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo raali-gelin bixiyay

No description available.MUQDISO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Faarax cadaani ayaa ka hadlay war maanta uu sheegay oo hadal heyn badan dhaliyay islamarkaana dadka qaar siyaabo kala duwan u fasireen sida inuu ka soo horjeestay xuquuq asaasi ah oo ay leeyihiin cid kasta oo Dowlada mucaarad ku ah.

Faarax Caddaani oo saxaafada soo hor istaagay ayaa si cad u sheegay inuu ka raali gelinayo qof kasta oo qalad u fahamtay warkii uu saaka ka jeediyay Degmada kaaraan ee uu masuulka ka yahay.

“Waxaan Raali gelin ka bixinayaa wax kasto oo aan saakay ka hadlay cidii qalad u fahantay waan raali gelinayaa” ayuu yiri Gudoomiye Faarax Caddaani.

Masuulkaani ayaa saaka ugu baaqay shacabka kaaraan inay ulo iyo maqaro qaataan oo guryaha ugu galaan cid kasta oo Dowladnimada iyo doorashooyinka ka soo horjeeda islamarkaana soo taageereysa kooxda Alshabaab taasoo hadal heyn badan dhalisay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -