HomeWarkiiGudoomiyaha Doorashooyinka oo shaaciyay sababta Kaxda iyo sedexda degmo kale loogu diiday...

Gudoomiyaha Doorashooyinka oo shaaciyay sababta Kaxda iyo sedexda degmo kale loogu diiday inay xarumahooda ka qaataan kaararka doorashooyinka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Soohdimaha C/karin Axmed Xassan ayaa jawaab ka bixiyay sababta degmooyinka Kaxda,Gubad-leey,Daara-salaam iyo Garasbeeley looga reebay is diiwaan gelinta kaararka cod bixinta.
Gudoomiyaha wuxuu ugu horeyn shaaciyay in sharcigii Baarlamanaku ansixiyay uu dhigaayay in la iska diiwaan geliyo 16-kii Degmo ee jirtay xiligii Dowladii kacaanka ee AUN Maxamed Siyaad Barre.
“Sidaad la socotaan sharciga anaga ma keenin in Gobolka Banaadir laga dhigo 16 Degmo,sharciga uu baarlamaanka ansixiyay ayay ku qoran tahay,waxaa nala yiri Degmooyinkii Degmooyinkii Dowladii Milatariga ahayd jiray halagu bilaabo kuwa kalana halagu xijiyo,duruufta na heysa waa taas balse anaga xageena  degmo kama tagneyn,degmooyinka dhan waxaan dhihi lahayn doorasho halaga qabtio”ayuu yiri Gudoomiyaha Doorashooyinka C/kariim Axmed Xassan.
Gudoomiyaha Wuxuu intaasi ku daray in tusaale ahaan qofka degan Garasbaaleey in degmada Hodan ay tahay deegaan doorashadiisa.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka degan afarta degmo ee laga reebay 16-ka degmo aysan lumin doonin xuquuqdooda inay doortaan qofkii ay rabaan sidaas daraadeedna marka la gaaro in kaararkla laga qaato xarumahooda ay samayn doonaan sharciyo cusub oo qeeyaxaya la sinaantooda degmooyinka kale.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -