HomeWarkiiGudoomiyaha Moqokori "Alshabaab waxaan isugu geynay Degmada Aadan Yabaal,iyadana uga hari-meyno"

Gudoomiyaha Moqokori “Alshabaab waxaan isugu geynay Degmada Aadan Yabaal,iyadana uga hari-meyno”

Gudoomiyaha Degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi ayaa ka war bixiyay dagaalada maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kaasoo ay kula jiraan kooxda Alshabaab.

Gudoomiye Mohamed Abdi oo wareysi siiyay TV-ga Qaranka ayaa shaaciyay in dagaaladii socdeen labadii maalmood ee ugu dambeysay ay guul ka gareen ,isagoo xusay inay Alshabaab isugu geeyeen degmada Aadan Yabaal.

“Alshabaab waxaan isugu geynay Degmada Aadan Yabaal,iyadana uga hari-meyno oo waa daba soconaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Moqokori

Mar uu ka hadlayay khasaaraha dagaalka ka dhashay wuxuuna sheegay in dagaal sideedaba dhimasho iyo dhaawacba uu jiro balse dhanka kooxda alshabab ayuu sheegay inay kooxo badan ka dileen.

“anaga ma ogolin inay na soo galaan khawaarijta waadna dareemi kartaa dagaal 60 saacadood socday”ayuu yiri Gudoomiyaha Moqokori

Masuulkaan wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalka hada uu ku soo haray reerka uu ka dhashay ee reer Hiiraan islamarkaana aysan jirin meel kale oo dagaal uu ka socdo.

“hada waxa la isku haya waa shabeelaha dhexe halka aan xuduuda kala leenahay dagaalkna waxaan ka rabnaa inaa  iska ilaalin dhankeena inay soo adaan sidaas daradeed ayaan ilaa shaqeelaha dhexe u daba taaganahay  intii ay na soo weerari lahaayeen”ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha

XAFIISKA WARARKA SYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -