Muqdisho-Soomaaliya 01, May, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, halkaas uu uga qeyb geli doono shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda furmi doona.
Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda wadanka Falastiin.