HomeWarkiiHadal heyn ka dhalatay mushaar uu duqa Muqdisho ka jaray Nabadoon Abaabul

Hadal heyn ka dhalatay mushaar uu duqa Muqdisho ka jaray Nabadoon Abaabul

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta la sheegay inuu mushaarkii ka jaray Nabadoon Abaabul oo si weyn looga yaqaan dalka kadib sabab la yaab leh taasoo baraha bulshada qabsatay.

Duqa Mudisho waxaa la sheegay inuu Nabadoonka uga jaray mushaarka kadib markii uu iska duunay muuqaal uu ku dhaajinaayo socodka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa ka sii yaab badan arintaasi hadal heyn iyo su’aal soo noq noqotay oo ka dhalatay mushaar ka joojinta.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa waxay is weydiinayaan %90 sababta Nabadoonka mushaarka loo siin jirey ama muxuu mushaarka ku qaadan jirey,ma shaqaale Dowladeed oo beeshin ahaa ma qaraabanimaa loo siinayay iyo su’aalo kale oo ilaa hada jawaab loo heyn intaan ka war heyno.

Dhanka kale Maamulka Gobolka Banaadir kama hadlin wararkaani maanta baraha bulshada aad looga hadal hayo inay xaqiiqo tahay iyo inay beeniyaan intaba.

Habka uu u dhaajiyay duqa Muqdisho halkaan hoose ka daawo:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -