HomeWarkiiHantidhowraha Guud oo la kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub+SAWIRRO

Hantidhowraha Guud oo la kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub+SAWIRRO

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan isbarasho iyo soodhaweyn ah kula qaatay Muqdisho wefdi ka socday Midowga Yurub, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Cusub ee Mashruuca Kaalmada Farsamo ee Horumarinta Isla-xisaabtanka Maaliyadeed ee uu Midowga Yurub ku Taageero Soomaaliya (EU SFA Project), Menno Jan van der Ven, iyo wefdi uu hoggaaminayey.
Hantidhowraha Guud iyo wefdigu waxay ka wada-hadleen sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay in ay Xafiiska ka taageerto in uu ku guuleysto dedaalladiisa istiraatiijayeed ee la xiriira xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad wanaagga.
Intii uu kulanku socday waxa uu Abukaate Guutaale la wadaagay Agaasimaha Cusub iyo wefdigiisa dedaallada uu XHGS ku hawlan yahay, si uu uga mira-dhaliyo yoolashiisa, iyo xoojinta wada-shaqaynta istiraatiijiyadeed ee uu la leeyahay Midowga Yurub, gaar ahaan Mshruuca EU SFA, si hortabinnada Xafiiska diiradda loo saaro, iyada oo dib loo milicsaday guulaha uu XHGS gaaray, isaga oo kaashanaya Mashruucaas.
Kulanka markii uu dhammaaday kadib, Agaasime Menno iyo Xubnaha Wefdigiisa ayaa lagu soo wareejiyey qaybo ka mid ah Waaxaha XHGS ee xudunta u ah shaqada Xafiiska, iyada oo la sii xoojinayo isbarashada iyo soodhaweynta Xafiiska iyo Agaasime Menno.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 people and people studyingMay be an image of 5 people, people studying and tableMay be an image of 4 people, people studying and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -