War ka soo baxay qaar ka mida Hayadaha gargaarka Soomaaliya ayaa ka digaya xaaladd halis ay ku sheegeen taasoo salka ku heysa qarash la’aanta soo wajahday xili dalkii ugu weynee qarashaadka bixin jirey ee Mareykanka oo aad u yareeyay dhaqaalihii uu ku bixin jirey arimaha kala duwan ee Soomaaliya sida amniga ,siyaasada iyo kaalmeynta hay’adaha magaca samafalka ku qaraabta.
Warbixinta Hay’adahaani ka soo baxay waxaa lagu sheegay inay markaan ku qasban yihiin inay si weyn u dhimaan barnaamijyadoodii iyo gargaarkoodii badbaadinta nolosha sida BBC lagu faafiyay.
Qarash la’aanta jirta khatar gelinaysa malaayiin qof oo dunida dacaladeeda ku nool sida ay warbixintooda ku xuseen.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Tom Fletcher ayaa dhankiisa shaaciyay in labadii bilood ugu dambeysay ay dib-u-habayn ku sameynayaan qaabka looga falceliyo xaaladaha bani’aadamnimo, si waafaqsan qorshaha “Humanitarian Reset”
Sida BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ah ay sheegtay Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ee ka howl gala dalka ay hadda bartilmaameedsanayaan 1.3 milyan oo qof – taas oo ka dhigan hoos u dhacay in ka badan 70% marka la barbardhigo 4.6 milyan oo qof oo markii hore loogu talagalay in la gaadho sanadka 2025.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM