Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Axmed Aw-Cali, ayaa shalay kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Amniga, Mudane Ibraahin Jaamac Raygal, iyo qaybaha kala duwan ee talisyada ciidammada SSC-Khaatumo.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga gudaha iyo adkaynta difaaca guud ee deegaannada dawlad goboleedka SSC-Khaatumo. Hoggaamiyuhu wuxuu uga mahadceliyey ciidammada doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida bulshada.
-DHAMMAAD-














































