HomeWarkiiHogaamiye kooxeed liibiya lagu dilay iyo xiisad ka dhalatay

Hogaamiye kooxeed liibiya lagu dilay iyo xiisad ka dhalatay

TRIPOLI (DAYNIILE.COM)-Is-rasaasayn hubaysan ayaa xalay fiidkii ka dhacday badhtamaha magaalada iyo qaybo kale oo kamid ah caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la dilay hoggaamiye kooxeed hubaysan, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen saddex ka mid ah dadka deegaanka.

Hoggaamiyaha, Abdulghani Kikli, oo loo yaqaan Ghaniwa, waa taliyaha ciidamada Support Force Apparatus SSA, oo ka mid ah kooxaha hubaysan ee awooda badan ee Tripoli, ee fadhigoodu yahay xaafadda ay dadku ku badan yihiin ee Abu Salim.

Dilka kadib xiisad colaadeed ayaa ka qaraxday Magaalada Tripoli ee caasimada Dalka Libya kadib markii taageerayaasha ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay kaga jawaabayaan dilka hogaamiyahooda waana tan keentay is rasaaseynta.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo dejiyo caasimadda Liibiya ee Tripoli si looga hor tago in xiisaduhu ka sii daraa.

Al-Kikli ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha maleeshiyada ee ugu saameynta badan caasimadda Libiya waxaana uu dhawaanahan ku lug lahaa khilaafyo isaga iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, oo ay ku jiraan kooxo xiriir la leh Misrata.

SSA wuxuu hoos yimaadaa Golaha Madaxtooyada, kaas oo xukunka la yimid 2021 Dawladda Midnimada Qaranka (GNU) ee Abdul Hamid Dbeibah iyada oo loo marayo hannaan ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.

XAFIISKA WARARKA
DANIILE.COM

People walk in Martyrs square in Libya's capital Tripoli on May 10, 2025.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -