BALCAD (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa saaka weerar hoobiyayaal ah waxay ku qaadeen xerada ciidamada Hiil-weyne ee duleedka Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe xili isla saakana ay weerar hoobiyayaal sidaan oo kale uga gaysteen Muqdisho.
War ka soo baxay kooxda Alshabaab ayay durba ku sheegteen inay iyaga ka dambeeyaan hoobiyayaasha lagu araacay xerada Hiil-weyn.
Alshabaab waxay sheegteen inay weerarkaasi ku dhaawaceen lix askari oo ka mid ah ciidamadii xeradaasi deganaa.
Taliska Milateriga wali kama jawaabin hoobiyayaashaan Alshabaabku sheegteen inay ku garaaceen xerada ciidamada Xooga,mana aha markii ugu horeysay oo alshabaab hoobiyayaal ku beegsato xeryha ciidamada Dowlada ee Degmada Balcad.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM