MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa tira madaafiic hoobiyayaal ah waxay saaka ku garaaceen Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xerada Xalane oo ay degan yihiin ajaanibta reer Galbeedka.
Xaafado ka tirsan Degmada Wada-jir ayay hoobiyayaashu ku daateen walina khasaaraha faah-faahin lagama helin.
Hoobiyayaasha qaarkood ayaa ku dhay Xalane iyo Garoonka diyaaradaha kuwaasoo aan xogtooda la heli karin madaama ay yihiin xarumo Dowlada Somalia iyo ajaanibtu maamulayaan.
weerarkaan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii ugu dambeeyay Mareykanku muwaadiniintooda uga digayay inay Somaia u safraan sababo amni ay ku sheegeen.
Mareykanka mar kasta oo ay digniinaha nuucaan soo saaraan weerarada alshabaab way dhacaan taasoo shacabka Soomaaliyeed badankood u fahmeen in Mareykanku wada shaqeyn la leeyahay Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM