HomeWarkiiHoobiyayaal Saaka lagu garaacay Xerada Xalane

Hoobiyayaal Saaka lagu garaacay Xerada Xalane

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaafiic hoobiyayaal ah ayaa saaka lagu weeraray xarunta xalane ee Degmada Wada-jir Magaalada Muqdisho.

Xalane waa saldhiga ciidamada Midowga Afrika iyo Safaaradaha reer-galbeedka,sidoo kale waxaa degan diblonaasiyiin iyo sirdoonka reer-galbeedka ka tirsan.

Madaafiicda hoobiyayaasha oo tiradoodu lagu sheegay ilaa sedex ayaa mid ka mida wuxuu ku dhacay xaafad ka mida Degmada Wada-jir halka labada kale ay ku dhaceen xerada xalane.

Ilo ku dhaw dhaw gudaha xerada xalane ayaa sheegaya in ka hor hoobiyayaasha inteysan soo dhicin laga maqlay halkaasi dhawaqa wiishka  digniinta kadibna ay soo daateen hoobiyayaashu.

Ma iirto wax faahfaahin ah oo laga helaayo khasaaraha ka dhashay hoobiyayaashaani ,saraakiisha hay’adaha Dowlada  ayaa la filayaa inay ka hadlaan weerarkaani hadii ay khasaare gaysteen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -