Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Howlgal qorsheysan oo maanta ay fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, ayaa lagu dilay Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane iyo Gandarshe.
Ciidanka NISA, ayaa kordhiyay howlgallada lagu beegsanayo horjoogayaasha Khawaarijta, iyadoo dhawaan howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ay ku dileen Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa gorsheynta weerarradii hoobiyeyaasha ee dhacay ilaa sanadkii 2023-kii.
