Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 9-aad ee qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaannada Moore, Hagar, Abal, iyo Madooda, kuwaasoo 25km dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Geesiyaahsha xoogga dalak ayaa si nabad ah gudaha ugu galay deegaanka Moore-Hagar, halkaas oo kooxda taagta daran ee Khawaarijta ay iskaga carareen goob gabaad u ahayd,sidoo kalena ay xoolo xoog kaga qaateen dadka deegaanka ay ku qarsanayeen.
Taliyaha Ururka 93-aad, Guutadda 9-aad Dhamme Maxamed Nuur Tare, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda si loo xaqiijiyo amniga degaanada iyo degmooyinka gobolka Bakool.






















