HomeWarkiiHowlgal culus oo ka dhan ah alshabaab oo laga fuliyay xadka...

Howlgal culus oo ka dhan ah alshabaab oo laga fuliyay xadka Hiiraan iyo Sh.dhexe

Wararka ka imaanaya Xaduuda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay howlgal ka dhan aha kooxda Alshabaab markii ay duulaan ku qaadeen macawisleyda reer Hiiraan.

Saraakiil u hadashay Macawisleyda ayaa Hiiraan ayaa saxaafada u sheegay in weerarkaani ay guulo waa weyn ka gaareen islamarkaana ay gabi ahaanba ku soo burburiyeen fariisimo alshabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa deegaanka Mubaax iyo Ceel-Cali-Axmed oo Hiiraan iyo Sh.dhexe ka kala tirsan.

Saraakiishu waxay shaaciyeen inay bar tilmaameedsadeen goob goob gabaad u ahayd Alshabaab islamarkaana ay burburiyeen bartaasi ka hor inta aysan iyagu duulaan ka soo qaadin.

Inta badan sida saraakiishu sheegayaan qorshahoodu waa inay ka hortagaan dib isusoo abaabulida iyo duulaan qaadka kooxdka,dhanka kale ma jirto warar madax banaan ama kuwa dhanka alshabaab laga helay inaba.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -