HomeWarkiiHowlgal dhalinyaro badan lagu soo qab-qabtay oo ciidamada Puntland ka sameeyeen Gaalkacyo

Howlgal dhalinyaro badan lagu soo qab-qabtay oo ciidamada Puntland ka sameeyeen Gaalkacyo

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudud gaar ahaan qeybta Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada PSF  ee Puntland  ka sameeyeen howlgalo amni xaqiijin ah madaama ay ku soo kordhiyeen falalka dilalka ah.

Askarta PSF waxaa la soo sheegayaa inay soo qabqabteen dhalinyaro badan kadib markii ay xaafadaha gudaha u galeen kuwaasoo tuhmanayaal ah.

Dhalinyarada waxay Ciidamadu ku sameyn doonaan baaritaan dheeraad ah madaama uu jiro tuhun ah in kuwii dilalka ka fuliyay Gaalkacyo ay ku dhex jiraan dhalinyarada la soo qabqabtay.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa Gaalkacyo ku soo kordhay dilal loo geysanayo qeybaha bulshada sida aqoonyahanka,falalkaan dilalka ah waxaa loo aaneynayaa darooda ka timaada dhanka Dalka Itoobiya.

Ciidamada PSF waxay sheegeen inay howlgalada sii wadi doonaan ilaa iyo inta amniga ay ka xaqiijinayaan.

Dhanka kale howlgal kale oo ciidamada Puntland ka sameeyeen isla gobolka Mudug ayay ku soo qabteen nin gaari ka soo dhacay Magaalada Buuhoodle bishii Febraayo ee sanadkaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -