
Deegaan 40KM u jira Baraawe ayaa lagu weeraray Alshababaab sida aan wararka ku helnay halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin kooxdu.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in howllgalka lagu burburiyay aagagii Alshabaabku ku sugnaayeen waxaana hogaaminayay Taliyaha Ururka 25aad ee Ciidamada Xooga Gaashaanle Dhexe Cali Degal, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Aadan Yuusuf Baroon, iyo Taliyaha Xasilinta degmada Baraawe Ibraahim Xasan Geladow.
Saraakiishaan waxay sheegeen in howlgalka maanta ay qaadeen uu qeyb ka yahay qorshaha alshabaab looga saarayo deegaanada Gobolka gaar ahaan deegaanada hoos taga Baraawe.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM










DAYNIILE.COM










