HomeCiyaarahaIbrahima Konate oo magacaabay xiddiga ku guuleysan doona abaalmarinta Ballon d’or sanadkaan

Ibrahima Konate oo magacaabay xiddiga ku guuleysan doona abaalmarinta Ballon d’or sanadkaan

XIGASHO LAACIB.NET

Difaaca kooxda Liverpool, Ibrahima Konaté, ayaa si weyn u amaanay xiddiga Paris Saint-Germain, Ousmane Dembélé, isagoo sheegay in uu yahay musharaxa ugu mudan abaalmarinta Ballon d’Or 2025.

“Waxaa la hadal hayay Lamine Yamal, Kylian Mbappé… Laakiin aniga si daacad ah markaan u hadlo, Dembélé ayaa ila mudan Ballon d’Or,” ayuu Konaté ka yiri shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka France iyo Spain ee UEFA Nations League. “Dembélé xilli-ciyaareed cajiib ah ayuu soo qaatay.Inuu hadlo maba mudna.”

Dembélé ayaa xilli-ciyaareed cajiib ah la qaatay PSG, isagoo dhaliyay 33 gool isla markaana caawiyay 15 kale, wuxuuna kooxda u horseeday hanashada Champions League markii ugu horreysay, isaga oo sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican Champions League.

Konaté sidoo kale wuxuu amaanay laacibka da’da yar ee Spain, Lamine Yamal, isagoo ugu yeeray “xidig mucjiso ah” isla markaana tilmaamay in aan si gaar ah loo joojin karin.

“Haa, wuu adag yahay in hal ka hal loo joojiyo. Laakiin kubadda cagta 11 ciyaaryahan ayaa lagu ciyaaraa. Ma go’aamin doono Yamal kaliya, balse Spain oo dhan ayaa go’aamin doonta,” ayuu yiri.

Markii la eego xilli-ciyaareedkiisa cajiibka ah, taageerada Konaté waxay sii xoojisay fursadaha Dembélé ee Ballon d’Or.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -