HomeWarkiiIndia oo sheegtay inuu weerar kaga yimid Pakistan.

India oo sheegtay inuu weerar kaga yimid Pakistan.

War ka soo baxay Dowlada Hindiya ayaa lagu shaaciyay in Ciidamada Dowlada Pakistan soo weerareen saddex saldhig militari oo ay leeyihiin ciidamada milateriga India.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayay India sheegtay in lagu soo weeraray,sidoo kale gantaalo ayay Pakistan adeegsatay waa sida ay war u dhigeen Hindida.

Sidoo kale warka India ka soo baxay waxa lagu sheegay inay fashiliyeen isku dayadii weerarka Pakistan ,waxaana ka mida meelaha Pakistan weerarka la eegatay gobolka Punjab ee Hindiya, iyo Jammu iyo Udhampur, oo ku yaalla Kashmir qeybta India maamusho.

Labadaan dal ayaa xiisadi ka dhex qaraxday markii arbacdii India weeraro ku qaaday Pakistan,waxaana ka mida meelaha hindidu gantaalada ku dhufteen masaajid walow iyagu sheegteen inay weeraro ka fuliyeen saldhigyada koox islaamiyiin ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -