HomeWarkiiBaladweyne oo Caawa lagu toogtay nin la sheegay inuu Alshabaab ka tirsanaa

Baladweyne oo Caawa lagu toogtay nin la sheegay inuu Alshabaab ka tirsanaa

BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu toogtay nin bistoolad ku hubeysnaa.

Sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada Dowlada ee Baladweyne ninkaani iyo mid kale oo la socday waxay doonayeen inay weerar fuliyaan oo dhibaato geystaan balse ay ka hor tageen.

Labada nin midkood oo bistoolad watay ayay saraakiishu sheegeen inay toogteen halka mid kalana uu ka baxsaday,falkaan ayaa ka dhacay jag boynti ciidamadu ku leeyihiin xaafada buundo weyn ee Magaalada Baladweyne.

Saraakiishu ma sii sharixin cida ay doonayeen inay dilaan ama weeraraan kaliya waxay warkooda ku soo koobeen inay hubeysnaayeen,sidoo kalana ay Alshabaab ka tirsanaayeen ayna midkood dileen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -