HomeWarkiiIsbitaalka Dalmar oo abaal-marino gudoonsiiyay howl-wadeeno Caafimaad+SAWIRRO

Isbitaalka Dalmar oo abaal-marino gudoonsiiyay howl-wadeeno Caafimaad+SAWIRRO

Maamulka Isbitaalka taqasusiga & tacliimiga ah ee Dalmar ayaa qaaday tallaabo dhiirrigelin ah ka dib markii uu si rasmi ah u abaalmariyay qaar ka mid ah shaqaalaha qeybaha Isbitaalka kuwaasoo lagu amaanay adeeg hufan, daryeel wanaagsan iyo akhlaaq suuban oo ay siiyeen bukaannada, sida laga dheehan karo qiimeynno iyo faallooyin si toos ah loogu reebay barta Google Reviews.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay gudaha hoolka shirarka ee Isbitaalka Dalmar ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka sare ee Isbitaalka, wakiillo ka kala socday xarumo Caafimaad, iyo xubno ka tirsan bulshada.
Ujeeddada xafladdan ayaa ahayd in la aqoonsado shaqaale caafimaad oo ka mid ah kuwa ugu firfircoon ee si joogto ah loogu amaano adeeggooda, iyadoo Google Review ay noqotay aalad furan oo dadweynuhu si xor ah ugu cabbiraan ra’yigooda ku aadan sida loogu adeegay.
Maamulaha Guud ee Isbitaalka Dalmar Prof. Dr. Abdirisak Ahmed Dalmar oo khudbad ay ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in abaalmarinadan ay yihiin qeyb ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo tayada adeegga caafimaad ee Isbitaalku siiyo bulshada.
“Maanta waxaan halkan ku soo bandhigaynaa geesiyaal aamusnaan ku shaqeeya, balse si mug leh looga dareemay wanaagga ay bulshada u hayaan. Waxaa si joogto ah loogu amaanay akhlaaqda shaqo, waqtiga ay u huraan bukaanka, iyo sida ay ugu firfircoon yihiin hawlaha caafimaadka. Ma aha kaliya in la shaqeeyo, balse waa in si qalbi furan loo shaqeeyaa, faalooyinka aan ku aragnay barta Google Review waa kuwo dhamaanteen na dhiirigelinaaya” ayuu yiri Prof. Dalmar.

Dhakhaatiir & kalkaaliyeyaal ka tirsan Afar ka mid ah qeybaha Isbitaalka oo kala Bukaan-jiifka, qeybta cudurada Caruurta, qeybta ENT iyo Sheybaarka ayaa la siiyay shahaadooyin & abaal marino, kadib markii qiimeyn & falanqeyn ay sameeyeen madaxda Maamulka la isku raacay inay yihiin kuwa ugu badan ee si togan adeegooda wanaagsan loogu xusay barta Google Reviews.

Qaar ka mid ahaa Howlwadeenada Caafimaadka ee la abaalmariyay ayaa sheegay in qiimeyntan ay u tahay dhiirrigelin weyn oo xoojineysa dadaalka ay ugu adeegayaan bulshadooda.
“Mar walba waxaan u shaqeeyaa si daacadnimo iyo dulqaad leh. In bukaanku dareemaan kalsooni iyo daryeel, kaddibna arrintaas ay uga mahadnaqaan meel dadweynuhu wada arki karo, sida Google Review, waxay ii tahay sharaf iyo dhiirrigelin.” ayuu yiri C/llaahi C/rashiid Maxamed oo ka tirsan kalkaaliyeyaaha Sheybaarka Isbitaalka dalmar oo ka mid ahaa qeybihii abaal marinta la gudoosniiyey.
Mid ka mid ah faallooyinka lagu qoray Google Reviews ayaa lagu yiri: “Kalkaaliyaha iga qaaday dhiiggu wuu iga qosliyay oo i baqdin tiray. Waa isbitaal si wanaagsan u nidaamsan marka la barbar dhigo meelo kale oo aan tegay.”
Google Reviews oo ah aalad xor ah oo dadka isticmaala internetka ay ku qiimeeyaan adeegyada ganacsiyada iyo xarumaha adeegga bulshada, ayaa sanadihii ugu dambeeyay noqotay il muhiim ah oo lagu cabbiro ra’yiga dadweynaha. Waxaa xusid mudan in isbitaalka Dalmar uu helay celcelis ahaan 4.5 xiddig iyadoo boqolaal qof oo ka mid ahaa bukaanadii soo booqday Isbitaalka ay si furan uga dhiibteen ra’yigooda ku aadan sida wanaagsan ee loogu adeegay.
Qiimeyntan wanaagsan ayaa keentay in Maamulka isbitaalka uu qaato go’aan ah in lixdii bilood ee kasta la xusho shaqaale & qeybo lagu ammaanay Google Review, si loogu dhiirrigeliyo Howlwadeenada inay sare u qaadaan anshaxa shaqo iyo daryeelka bukaanka.
Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo Dr. Mohamed Abdi Ahmed oo ka mid ahaa martidii munaasabadaas lagu casuumay xafladdana hadal ka jeediyay, ayaa bogaadiyey ku shaqaalaha la abaal mariyey sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadkii loo xilsaaray.
“Shaqaalaha caafimaadka waa laf-dhabarta adeegyada bulshada. Haddii shaqadooda la qiimeeyo oo si hufan loo bogaadiyo, waxaa kor u kacaya tayada adeegga. Waxaan ku bogaadinayaa Isbitaalka dalmar tallaabadan cajiibka ah.” ayuu yiri agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo oo ay Maamusho heyadda Mudug Development Organization
Ugu dambeyn, Maamulka isbitaalka ayaa ku dhawaaqay qorsheyaal cusub oo lagu horumarinayo adeegyada isbitaalka, sida tababaro joogto ah oo loo qabto shaqaalaha, adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah, iyo la socodka jawaab-celinta bukaanka ee laga helo baraha sida Google Review.
“Tani waxay tusaale u tahay sida war-celinta dadweynuhu u noqon karto aalad kor loogu qaado tayada adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka, iyadoo abaalmarinta shaqaalaha firfircoon ay tahay dhiirrigelin dhab ah oo soo jiidan karta isbedel waara” ayuu yiri Prof. Dalmar.

     

                  

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -