DJABUTI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qasriga Madaxtooyada dalkaas ku qaabilay Madaxweynaha maamulka Waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminaayey.
Madaxweyne Cirro waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen xiririka labada dhinac leeyihiin xili maamulka Somaliland aad u raadinayo inuu helo ictiraaf ah inay yihiin Dowlada madax banaan oo ka go’aday Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM