QAZA (DAYNIILE.COM)-Maamulka Yuhuuda ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo sidii uu ku qabsan lahaa gabi ahaanba marinka Qaza islamarkana ay xoog ku maamulaan shacabka reer Gaza iyo dhulkooda.
Saraakiisha Ciidamada Israa’iil ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxay iclamiyeen inay billaabeen duullaan ay ku doonayaan inay kaga adkaadaan Xamaas,sidaas si lamid ahna ay xoog ku soo furtaan maxaabiista ​​Qasa looga heysto.
Saraakiisha Israa’iil waxay intaasi ku dareen inay xooga saarayaan sidii ay ku qabsan lahaayeen goobaha istaraatiijiga ah ee marinka Gaza.
Saraakiisha wasaaradda caafimaadka iyo difaaca rayidka oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ay ku dhinteen ilaa 250 qof
Dhanka kale Saraakiisha Caafimaadka ee Xa,aas ayaa laga soo xigtay in tan iyo Khamiistii marinka Qaza lagu dilay 250 qof oo ka mid ahaa shacabka reer Gaza.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM