NAIROBI (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddda Kenya ayaa si cad loogu sheegay Maamulka Somaliland inuusan Nairobi ka furan karin Xafiis diblomaasiyasadeed xili hore loogu ogolaaday Xafiis wakiileed.
Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Waqooyiga Somalia ee Somaliland C/raxmaan Ciiro oo booqaso ku jooga Magaalada Nairoobi ayaa doonayay inay Xafiis Wakiileedkooda Naiobi loogu badalo Xafiis diblomaasiyaadeed oo la heer mid Dowlad madax banaan oo kale balse Dowlada Kenya ayaa diiday damacaasi.
Dowlada Kenya waxay si cad ugu sheegtay Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo wafdgiisaba inay la mid yihiin maamukada kale ee Somalia kaliyana Kenya looga ogol yahay xafiis wakiileed dhanka ganacsiga uun ku eg.
Wasaaradda Arrimaha Dibaddda Kenya ayaa soo saaray Qoraal cusub oo ah war-murtiyeed labaad, kaasoo ay ku caddeysay Xafiiska Diblomaasiyadeed ee Somaliland ka dooneyso magaalada Nairobi aanu heysan ogolaanshaheeda, isla markaana wax maamuus ah aanu lahayn.
Sidoo kale qoraalka dowladda Kenya waxaa lagu muujiyay inuusan xafiiska Somaliland ee Nairobi aanu ogolaansho ka heysan Wasaaradda Arrimaha dibadda, isla markaana aysan socon doonin shaqadiisa iyo damacooda.
Madaxeynaha Maamulka Somaliland ayaa qorsheynayay inuu maanta furo  dhisme cusub oo ay Xafiis kaga furteen Nairobi iyagoo damacoodu yahay inay ugu magac daraan Xafiis diblomaasiyaadeed balse Dowlada Kenya ayaa ganafka ku dhufatay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM